Hordhac: Arsenal Vs Bournemouth: Gunners Oo Ka Gacan Saraysa Bournemouth Kulamada Tooska Ah

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkiisii 28-aad.

Gunners oo Axadii gacanta ku dhigtay kaali 4-aad ayaa doonaysa in ay sii haysato siina xoojisato kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka.

Dhanka kale Bournemouth ayaa isha ku haysa in ay sii wado dagaalka ay ugu jirto ku dhamaysiga 10-ka kooxood ee ugu saraysa horyaalka.

Kulanka: Arsenal Vs Bournemouth

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa badisay dhamaan 4-tii kulan ee ay Bournemouth ku marti galisay Emirates tartamada oo dhan iyada oo ka dhalisay 11 gool lagana dhaliyay kaliya 1 gool.

Kaliya Man City oo dhalisay 39 gool ayaa dhalisay goolal ka badan Arsenal kulamada garoonkeeda iyada oo dhalisay 35 gool xilli ciyaareedkan iyada oo badisay 11 kulan, bar-baro gashay 2 lagana badiyay 1.

Bournemouth ayaa laga badiyay mid kasta oo ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay premier League iyada oo kulan kasta laga dhaliyay ugu yaraan 2 gool.

Weeraryahanka Josh King ayaa ku lug leh 5 gool 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee uu u ciyaaray kooxdiisa Bournemouth 4 gool wuu dhaliyay 1 kale caawiye ayuu ka noqday.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here