Kooxda Real Madrid ayaa marti u noqon doonta kooxda Ajax kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.
Real Madrid oo difaacanaysa tartanka xilli ciyaareedkii 3-aad oo xiriir ah ayaa isha ku haysa in ay haataba sii xaqiiqsato wareega xiga ee tartanka Natiijo fiicana kala soo baxdo garoonka Ajax.
Dhanka kale Ajax ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay cidhiidhi u galin lahayd rajada kooxda Real Madrid ee wareega 8 dhamaadka tartanka.
Kulanka: Ajax Vs Real Madrid
Tartanka: Champions League
Wakhtiga: 11:00 Habeenimo
Garoonka: Amsterdam Arena
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Labada kooxood ayaa horay tartamada yurub ugu kulmay 12 jeer Madrid ayaana gacanta sare leh kulamadaas iyada oo badisay 7 kulan halka ay Ajax badisay 4 kulan hal kulana bar-baro ku kala bexeen.
Real Madrid ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay Ajax laakiin koooxda reer Holland ayaa badisay 4 kulan oo xiriir ah intii u dhexaysay April 1973 ilaa November 1995.
Kulankii ugu dambeeyay ee ay Real Madrid booqatay Amsterdam Arena bishii October 2012, Cristiano Ronaldo ayaa saddexley dhaliyay kulan ay Real 4/1 ku baisay.
Shaxda Macquulka ah ee labada Kooxood:
Ajax: Onana; Mazraoui, Blind, De Ligt, Tagliafico; Schone, De Jong, Van de Beek; Neres, Tadic, Ziyech
Real Madrid: Courtois; Carvajal, Varane, Ramos, Reguilon; Casemiro, Modric, Kroos; Lucas, Benzema, Vinicius