HORDHAC : AC Milan VS Inter ? Xogta kulanka iyo xaqiiqooyinka ciyaarta laga diwaan giliyey

Kooxaha  AC Milan iyo Inter ayaa ku wada balansan kulan ka tirsan horyaalka (Serie A) , iyada oo la ogyahay in labadan koox ay ka dhexeeso xifaaltan kulul .

Inter ayaa badineysay kulamdii ugu dambeyey wallow ay jireen kulamo bareejo ku dhamaaday misane waxaa xusid mudan in AC Mlin aya ku guul dareesatay in ay gool ka dhaliso Inter labdii kulab ee ugu dambeyey.

Wararka labada dhinac ka hor kulanka :

Ricardo Rodríguez ayaa diyaar ua ah kulankan in uu ciyaro taas micneheedu waxa ay tahay Andrea Conti ay u badantahay in uu kursiga keedka ka soo muuqdo .

Lucas Biglia oo gool ka dhaliyey kulan ciyaareedkii ay la qaateen kooxda Chievo ayaa mar kale ka soo muuqan doono khadka dhexe , macalin Gennaro Gattuso ayaa door bidaya in uu soo xusho safkii ugu dambeyey ee la ciyaaray kooxda Chievo.

Xidiga reer Farnce ee Tiemoué Bakayoko ayaa booskaa khadka dhexe ku ciriirin doona xidiga rere Argentina ee Lucas Biglia wallow dooqa macalinka uu halkiisa yaalo .

Lautaro Martinez oo aan ciyaarin kulan ciyareedkii tartanka Europe League ayaa fursad u heysta in uu ku soo bilowdo kulanka madaama uu heesto nasiino ku filan .

Marcelo Brozovic oo dhaawac ka qaba muruqa ayaa awoodin in uu ku soo bilowdo kulanka balse waxaa loo isticmaali doonaa kursiga keedka , Matías Vecino uu soo qaatay kulan ganaax waxa uuna diyaar u yahay in uu wajaho kooxda ay iskala dhisanyihiin magaalada faashiyoonka .

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanla : AC Mulan VS Inter (  (Serie A).

Goobta :Giuseppe Meazza

Goorta :10:30 oo habeenimo

Garsoorka :Marco Guida

Xaqiiqooyinka ciyaarta :

Klulankan waa is aragoodii 170-aad ee horyaalka ,kooxda Inter ayaa badisay labo halka ay bareejo galeen kulan sedexdii kulan ee ugu dambeyey tan iyo guushii Milan bishii January 2016 .

AC Milan ayaa ku guul dareesatay in ay gool ka dhaliso kooxda Inter labdii kulan ee ugu dambeyey ma dhicin in sedex kulan oo xiriir ah in ay gool ka dhalinweyso tan iyo intii u dhaxeysay 1979-ilaa 1981.

AC Milan ayaa badisay shantii kulan ee ugu dambeyey oo ay ka ciyaartay horyaalka (Serie A).

AC Milan ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatya afartii kulan ee ugu dambeyey ee ay ku ciyaartay garoonkeeda kulamda horyaalka (Serie A)

Inter waa guul daro la’aan lixdii kulan ee ugu dambeyye ee ay wajahdo kooxda AC Milan dhamaan tartamada .

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here