Hooyada Adrien Rabiot Oo Barcelona Ka Hor Istaagi Karta In Ay Hesho Saxiixa Xiddiga & Sababta Oo La Ogaaday

0

Kooxda Barcelona ayaa wajahaysa dhibaato kale oo cusub si ay ula saxiixato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG ee Adrien Rabiot iyada oo ay hooyadii ka hor taagan tahay in la dhamaystiro heshiiska.

Heshiiska Adrien Rabiot ee kooxda PSG ayaa dhici doona dhaaadka xilli ciyaareedkan iyada oo ay jiraan warar sheegaya in ay Barcelona doonayso in ay saxiixa xiddiga hesho suuqa Janury dhanka kale kooxda PSG ayaa doonaysa in ay lacag fiican ku iibiso halkii ay xor ku fasixi lahayd xagaaga.

Wargayska Paris United ee ku dhaw kooxda PSG ayaa sheegaya in ay jirto dhibaato kale oo Barcelona ka wajahaysa saxiixa Adrien Rabiot.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay ay xiddiga mushahar u siiso lacag dhan 10 milyan oo euro sanadkii laakiin hooyada Adrien Rabiot ayaa doonaysa in uu wiilkeedu helo lacag dhan 15 milyan oo euro.

Talaabadaas ayaa wal-wal ku ridaysa Maamulka Kooxda Barcelona iyada oo ay ka cabsi qabto in ay tartan adag kala kulanto kooxaha kale ee reer yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here