Higuain, Eriksen, Koulibaly, Icardi, Modric & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalinwalbasubaxnimadawararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Kooxda chelsea ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Ac Milan ee Gonzalo Higuain (Marca).

Milkiilaha kooxda Tottenham ee Daniel Levy ayaa kooxda Real Madrid u sheegay in ay miiska saaraan 225 milyan oo euro hadii ay doonayaan Christian Eriksen (AS).

Agaasimaha Kooxda Atletic Bilbao ayaa sheegay in uu doonayo in ay dib ula soo saxiixdaan xiddiga khadka dhexe ee Ander Herrera laakiin xiddiga ayaa u muuqda mid sii joogi doona Old Trafford (Sun).

Man United ayaa aqbashay in ay tahay in ay sugaan ilaa xagaaga dambe si ay ula soo saxiixdaan daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly (ESPN).

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ayaa loo soo bandhigay dalab uu tababare ugu noqon karo xulka qaranka Qatar (France Football).

Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa ugu sareeya Liiska ay kooxda chelsea doonayso inta lagu jiro suuqa January (Mirror).

Chelsea ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Sevilla amaahdana uga maqan Ac Mian ee Andre Silva (Sun).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona Denis Suarez ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Arsenal suuqa Janaury (Mirror).

Kooxda Barcelona ayaa albaabka u furtay suurtagalnimada ah in ay iibiso xiddiga Garabka uga ciyaara ee Malcom inkasta oo ay kaliya la soo saxiixatay xagaagii (Mundo Deportivo).

Kooxda Arsenal ayaa Man United iyo Chelsea kula biirtay tartanka loogu jiro xiddiga khadka dhexe ee kooxda Cagliari ee Nicolo Barella (Sky Italia).

Kooxda Inter Milan ayaa suuqa dhigi doonta xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic si ay lacagtiisa ugu dhaqaaqdo xiddiga kooxda Real Madrid ee Luka Madric (Tuttosport).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here