Higuain, Coutinho, Hazard, James, Mbappe, Suarez & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalinwalbasubaxnimadawararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Weeraryahanka kooxda Ac Milan ee Gonzalo Higuain ayaa ku biiri doona kooxda chelsea todobaadka dambe isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah todobaadkiina u qaadan doona 270 kun oo Gini taas oo ka dhigaysa 5-ta xiddig ee ugu mushaharka badan premier Leageu (Star).

Chelsea ayaa wadahadalo la furtay kooxda Barcelona kaas oo ay 100 milyan oo euro kaga doonayso kubad sameeyaha reer Brazil ee Philippe Coutinho (Express).

Real Madrid ayaa ku rajo weyn in ay Eden Hazard kula saxiixato lacag ka yar 100 milyan oo euro marka loo eego in heshiiskiisu dhici doono 2020 walina diidan yahay heshiis cusub (MARCA).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa sheegay in laga yaabo in uu ku biiro Real Madrid mustaqbalka (AS).

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ku rajo weyn in la dhamaystiro saxiixa xiddiga Denis Suarez inta lagu jiro todobaadkan (Star).

Kooxda Napoli ayaa dhigeeda Ac Milan ka diiday dalab ay ku doonaysay xiddiga khadka dhexe ee Amadou Diawara (Inside Futbol).

Gaasimaha Kooxda Inter Milan oo sheegay in xiddiga daafaca uga ciyaara Atletico Madrid ee Diego Godin doonayo in uu ku biiro Inter Milan (Calciomercato).

Tababarihii hore ee kooxda Man United Jose Mourinho ayaa sheegay in uu iska diiday 3 shaqo tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Man United (Telegraph).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee James Rodriguez ayaa dilay Rajadii Arsenal kadib markii uu xaqiijiyay in uu sii joogo doono Bayern Munich inta ka dhiman xilli ciyaareedkan (Express).

Kooxda Real Madrid ayaa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Bernardo Silva ku dartay Liiska xiddigaha ay u doonayso badalka mustaqbalka fog ee Luka Modric (Star).

Liverpool ayaa indha-indheeyayaal u dirtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Schalke ee Weston McKennie xilli ay diyaarinaayan dalab 20 milyan ah (Mail).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here