Heshiis Xidhmay: Wadahaladii Ay Arsenal Ku Doonaysay Saxiixa Densi Suarez Oo Gabi Ahaan Bur-Buray & Xiddiga Oo Sabab U Ah

Wadahadaladii ay kooxda Arsenal kula jirtay kooxda Barcelona kagana doonaysay xiddiga khadka dhexe ee Denis Suarez ayaa lagu soo waramayaa in ay bur-bureen.

Arsenal ayaa doonaysa saxiixa Denis Suarez si ay badal uga dhigtao Xiddiga Aaron Ramsey oo kooxda ka tagi doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

In ay heshiis amaah ah ku keento ayaa la macno ah in ay iska fasixi karaan Ramsey inta lagu jiro bishan lacagna kaga iibin karaan Juventus ka hor inta uuna xorta noqon.

Laakiin heshiiskaas ayaa haatan gabi ahaanba xidhmay kadib markii uu xiddiga laftiisu tababare Ernesto Valverde u sheegay in uu doonayo in uu sii joogo Barcelona sida laga soo xigtay wargayska Mundo Deportivo.

Valverde ayaa diyaar u ah in uu amaah u diro suarez ilaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa sidoo kale diyaar u ah in ay miiska saarto 2 milyan ee amaahda ay ugu helayso xiddiga ka hor inta ayna xagaaga si toos ah ula wareegin.

Laakiin Suarez ayaa u muuqda mid aan xiiso u qabin qorshahaas.

Sidaas darteed Barcelona ayaa xiddiga u sheegtay in uu qalinka ku duugo heshiis kor u dhaafaya ilaa 2020 laakiin xiddiga ayaan doonayn arintaas.

Laakiin xiddiga ayaa go,aansaday in uu sii joogo kooxda ilaa xagaaga dambe markaas oo ay 12 bilood uga hadi dhoonaan heshiiskiisa Barcelon.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here