Heshiis Dhaw: Arsenal Oo PSG Kala Heshiisay Saxiixa Xiddig Khadka Dhexe Ah, Goorma Ayuu Dhamaystiri Doonaa Ku Biiristiisa Gunners

Kooxda Arsenal ayaa u muuqda mid ku dhaw dhamaystirka saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January sida ay haatan sheegayaan wararku.

Tababaraha Kooxda PSG ee Thomas Tuchel ayaa ogolaaday in uu xiddiga khadka dhexe ee Christopher Nkunku qaab amaah ah ugu biiro kooxda Arsenal.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal wadahadalo horuamr leh kula jirto si ay ula saxiixato xiddiga 21 jieka ah oo 2 sano ka hoos ciyaaray tababare Unai Emery.

Christopher Nkunku ayaa ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya 5 kulan oo kaliya ku bilowday horyaalka Ligue 1.

Wargayska L’Equipe ayaa haatan sheegaya in uu Tuchel ogolaaday in uu Nkunku ogolaaday in uu ku biiro kooxda Arsenal laakiin u sheegay in ay si toos ah ula wareegaan xagaaga dambe.

Si kasta ha ahaatee heshiiska ayaan dhici doonin ilaa maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga maadama ay PSG sugayso in ay xoojiso khadka dhexe badalkiisana keento kooxda.

PSG aya dhankeeda wadahadalo kula jirta 4 xiddig oo kala ah leandro Paredes, Idrissa Gueye, Renato Sanchez iyo xiddiga Allan kuwaas oo ay midkood la saxiixan doonaan maalmaha soo socda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here