Heshiis Dhacay: Aaron Ramsey Oo Heshiis 4 Sano Ah U Saxiixay Koox Cusub, Horyaalkee Ayuu Ku Jeedaa?

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey ayaa u muuqda mid ugu dambayn ka tagi doona Kooxda Arsenal sida ay sheegayaan wararku.

Aaron Ramsey ayaa ku biiri doona kooxda AJuventus xagaaga dambe sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Wales ayuu heshiiskiisa Arsenal dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu haatan xor u yahay in uu heshiis hordhac ah la galo kooxaha aan premier League ahayn.

Arsenal ayaa doonaysay in ay sii haysato xiddigii hore ee Cardiff City iyada oo xitaa u soo bandhigtay heshiis cusub ka hor inta ayna si lama filaan ah ugala laaban heshiiska cusub.

Xiddigan ayaa xiiso helaya kooxaha Bayern Munich & Paris Saint-Germain laakiin Xiddiga ayaa si xor ah ugu biiri doona kooxda Juventus sida laga soo xigtay saxafiga u shaqeeya Rai Sports ee Ciro Venerato.

“Heshiiskii uu Ramsey ugu biiri lahaa wuu dhamaaday waxa uu noqon doonaa xiddig Juventus ah”ayuu Ciro Venerato yidhi.

“Agaasimaha Juventus ayaa saxiixa xiddiga ku garaacay kooxaha Milan, Inter, PSG, Barcelona & Bayern iyaga oo si xor ah ku heli doona dhamaadka xilli ciyaareedkan”.

Venerato ayaa sheegaya in uu Ramsey qalinka ku duugi doono heshiis 4 sano ah oo uu sanadkii ku qadan doono lacag dhan 7.2 milyan euro sanadkii mushaharka dhan.

“Aaron Ramsey waxa uu saxiixi doonaa heshiis ilaa 2023 ah iyo hal sano oo dookh ah oo uu sanadkii ku qaadan doono lacag dha 7.2 milyan euro”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here