Henrikh Mkhitaryan Oo Kashifay Shaqsigii Sabab U Ahaa In Ay Arsenal Guul Ka Gaadho Southampton

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Henrikh Mkhitaryan ayaa tilmaamay halka xiddig ee sababta u ahaa guushii ay Arsenal ka gaadhay Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Gunners ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda Southampton kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa todobaadkii 27-aad ee horyaalka preier League.

Henrikh Mkhitaryan oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Waxa aan soo bandhignay qaab ciyaareed cajiib ah qaybtii hore waxana aan dhalinay 2 gool”.

“Laakiin goolhaye Bernd Leno ayaa sabab u ahaa guusha aan gaadhnay hadii uuna samayn badbaadino cajiib ah maanu gaadhneen guul umana aanan ciyaarneen si fiican, sidaas darteed waxa aan uga mahad celinayaa qaab ciyaareedka fiican”.

Kadib guushaas Arsenal ayaa si buuxda kaalinta 4-aad ugala wareegtay kooxda Man United iyaga oo hal dhibic ku haya kaalintaas.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here