Henrikh Mkhitaryan Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Arsenal Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay, Hal Balan Qaad Ayuu Sameeyay

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Henrikh Mkhitaryan ayaa markii ugu horaysay fariin u diray taageerayaasha kooxdiisa tan ilaa markii la xaqiijiyay dhaawaciisa kaas oo uu garoomada uga maqnaan doono muddo 6 todobaad ah.

Henrikh Mkhitaryan ayuu dhaawac ka soo gaadhay kulankii Carabao cup-ka ay Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Tottenham toodbaadkii hore.

Xiddiga ayaa la badalay qaybtii dambe waxana uu seegay kulankii ay Arsenal guusha 3/1 ah ka gaadhay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Henrikh Mkhitaryan ayay u badan tahay in uu garoomada ka maqnaan doono tan ilaa dhamaadka bisha January ee sanadka cusub.

Laakiin xiddigii hore ee Man United ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxdiisa “Run ahaantii waan la dhacay dhamaan fariimaha aad caafimaadka iigu rajaynaysaan”.

“Waad Mahadsantihiin dhamaan waxa aan soo laaban doonaa aniga oo ka adag sidii hore”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here