Hector Bellerin Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Arsenal Kadib Markii La Xaqiijiyay In Uu 9 Bilood Garoomada Ka Maqnaan Doono

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Hector Bellerin ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxdiisa kadib markii la xaqiijiyay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo 9 bilood ah.

Hector Bellerin ayuu dhaawac ka soo gaadhay kulankii ay Arsenal guusha ka gaadhay kooxda Chelsea kana tirsanaa horyaalka premier League.

Bellerin ayaa sheegay in uu doonayo in ahaado mid kaliya ka fikira wax fiican kadib markii la xaqiijiyay in uu dhaawac xun ka soo gaadhay jilibka.

Xiddiga reer Spain oo Arsenal joogay tan ilaa sanadkii 2011 ayaa sheegay in uu ka hor iman doono caqabasha si deg-deg ahna ugu soo laaban dooo garoomada.

“Ma jirto Caqabad adduunka ka jirta oo aan laga gudbi karin”ayuu ku qoray bogiisa Twitter-ka.

“Waxa aan soo maray maalmo adag laakiin waan fiicanahay waxana aan diyaar u ahay in aan sida ugu dhakhsaha badan ugu soo laabto garoomada”.

“Waad ku mahadsan tihiin fariimaha jacaylku ku dheehan yahay ee aad ii soo dirteed, waxa aad tihiin qaar cajiib ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here