Hazard : Waa Ay U Badan Tahay In Aan U Wareego Real Madrid , Goorma Ayuu Damacsan Yahay ?

Garabka kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa hoosta ka xariiqay in uu u furan yahay in uu u wareego kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkaan

Hazard ayaa Chelsea la jooga 6 sano iyo bar waxa uuna kubad sameeyahaan ka mid ah yahay xiddigaha tiirarka u ah kooxdaas balse waxaa marar badan lala xariiray kooxda Real Madrid

Wiilkaas reer Belgium ayaa hishiiskiisa haatan ee Chelsea waxaa ka harsan kaliya 18 bil , waxaana la xusayaa in 28 sano jirkaas uu dareensan yahay in uu kooxdaas xagaaga uga wareegayo Real Madrid

Hazard ayaa ka sheegay France Football” maxaysan u dhicin ? aad ayaad u og tahay arintaas, waxaad i weydiineysaa su`aal balse waaad og tahay waxa ay jawaabta noqoneyso sidaa darteed maba aha in aad i weydiiso”.

” Chelsea wax waliba waan kula guleystay wax aan ka aheyn Community Shield balse taasi micnaheedu ma aha in aan baxayo , mar waliba waxaan doonayaa in aan wax cusub sameeyo ka dib horyaalka Ingiriiska balse waxaa jiri kara arimo keenaya in aan halkaan sii joogo”

” ka dib koobkii aduunka waxaan doonayay in aan baxo balse ugu dambeyn waan joogay , waxaana haatan ciyaarayaa mid ka mid ah xilli ciyaareedyadeydii ugu wacnaa illaa haatan” ayuu sii raaciyay Hazard
Hazard ayaa xilli ciyaareedkaan dhamaan tartamada ay Chelsea ku jirto waxa uu dhaliyay 12 gool halka 10 kalana uu ka qeyb qaatay

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here