Hazard, Depay, Neymar, Robben, Lukaku, Coutinho & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda chelsea ayaa ku adkaysanaysa in ay Eden Hazard ku iibiso lacag dhan 100 milyan oo euro xilli xiddiga reer Belguim ku dhaw yahay Kooxda Real Madrid (Independent).

Blues ayaa dhanka kale la xidhiidhay wakiilka xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaas oo ay xiiso u qabaan adeegiisa halka ay sidoo kale doonayaan weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Alexander Isak (Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara ee Memphis Depay hadii uu Sadio Mane ka tago kooxda xagaaga (L’Equipe).

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar ayaa ka shalaynay in uu ka tagay Barcelona sida uu sheegay Xiddigii hore ee ay isku xulka ahaayeen Ee Adriano (Cadena Ser).

Kooxda Man United ayaa si joogto ah ula socotay qaab ciyaareedka xiddiga daafaca Midig uga ciyaara kooxda PSG iyo xulka Belguim ee Thomas Meunier tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan (Sun).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon ee Tanguy Ndombele ayaa bartilmaameed u noqday Man United si ay ugu badasho Ander Herrera laakiin waxa ay tartan kala kulamysaa kooxo badan oo reer yurub ah (L’Equipe).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Arjen Robben ayaa iska diidi doona in uu ku biiro Inter Milan dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo doonaya in uu ku biiro horyaalka America  (Calciomercato).

Kooxda Everton ayaa heli doonta lacag dhan 5 milyan oo euro hadii uu Weeraryahanka Romelu Lukaku ka tago kooxda Man United xagaaga xilli ay 25 jirka doonayso kooxda Inter Milan (Telegraph).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa sheegay in uu doonayo in uu sii joogo Man United hadii lagala mushahar dhigo xiddiga Alexis Sanchez (Mirror).

Xiddiga khadka dhexe e kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa shaaca ka qaaday in uuna wax qorshe ah u hayn in uu isaga tago kooxda Barcelona (Mirror).

Kooxda Bayern Munich ayaa ku rajo weyn in ay Ilkay Gundogan ku soo celiso horyaalka Germany ka hor inta uuna bilaaban xilli ciyaareedka dambe (Mirror).

Kooxda Juventus ayaa kooxaha reer yurub u sheegtay in ay miiska saaraan lacag dhan 45 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga Douglas Costa (Mirror).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here