Harry Kane Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Garoomada Ka Maqnaado Inta Ka Harsan Xili Ciyaareedka

Waxaa jirta cabsi ah in weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane uu garoomada ka maqnaan doono inta ka harsan xilli ciyaareedkaan .

Laacibkaas ayaa xalay ku dhawaacmay kulankii kooxdiisa ay halka gool uga badiyeen Man City ee ahaa lugta 1-aad ee wareegga 8-da Champion-ka

Biloowgii qeybta labaad ayaa la badalay laacibkaas waxa uuna ka dhaawacmay canqawga xilli ay kubad kala dhaxeysay Delph oo ah ciyaaryahan Man City ah .

Waxaa la arkayay Kane oo ku socda bakoorad walibana kab laga saaray canqawga lugtiisa bidix

Warbaahinta Ingiriiska ayaa haatan sheegeysa in loo badinayo in dhawaacaas uu la maqnaan doono illaa dhamadka xilli ciyaareedkaan isla markaana uu dhaawacaan shabaho midkii haleelay Januaradii sanadkii hore

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here