Harry Kane, Adrien Rabiot, Frenkie de Jong & Taageerayaasha Barcelona Oo Doortay Saxiixa Ay Doonayaan In Ay Kooxdoodu Keento.

0

Wargayska Mundo Deportivo ayaa taageerayaasha kooxda Barcelona waydiisay saxiixa ay sida aadka u doonayaan iyada oo u soo bandhigtay xiddigaha ilaa haatan lala xiriirinayo kooxda Barcelona.

Liiska ayay ku soo bexeen xiddigaha Frenkie de Jong, Adrien Rabiot, Iyo xiddiga Harry Kane oo maalmihii ugu dambeeyay lala xiriirinayay kooxda Barcelona si ay ugu badalaan Luis Suarez.

Taageerayaasha Barcelona ayaa doortay in ay kooxdoodu u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Ajax ee Frenkie de Jong Kaas oo helay cod dhan 33.15% kaas oo ay taageerayaashu doonayaan in ay u dhaqaaqaan.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda PSG ee Adrien Rabiot kaas oo helay cod dhan 14% si ay kooxda Barcelona ugu dhaqaaqdo adeegiisa uguna buuxiso booska Luis Suarez.

Waxa sidoo kale Liiska ka soo muuqday xiddiga kooxda PSG ee Kylain Mbappe kaas oo ayna taageerayaasha Barcelona si weyn u doonayn in ay la soo saxiixdaan.

Mbappe ayaa helay cod dhan 7.33% halka xiddiga kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt halay cod 7.6% inkasta oo ay Barcelona si aad ah u doonayso xiddiga reer Holland.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here