Halyeeyga reer Brazil Rivaldo oo iska diiday isbar-bardhiga xidigaha Vinícius Jr, Mbappé iyo Ousmane Dembélé

Halyeeyga reer Brazil Rivaldo ayaa u arka inay tahay xili hore ka hadlida Vinícius Júnior, si loo qiimeeyo awoodiisa ciyaareed, kadib bandhiga cajiibka ah uu ku sameenayo xili ciyaareedkan maaliyada kooxda Real Madrid.

Wargeyka “Mundo Deportivo” ayaa daabacay wareysi arintan ku aadan uu kaga hadlay halyeeyga reer Brazil ee Rivaldo wuxuuna yiri:

“Vinícius Júnior wuxuu xoojinayaa booskiisa kooxda Real Madrid, laakiin wali waa xilli hore lamana bar-bardhigi karo xidigaha sida Kylian Mbappé ama Ousmane Dembélé oo kale”.

“Waxaan jeclaan lahaa in qiimeynta ciyaartoyda laga hadlo dhamaadka xilli ciyaareedka”.

Si kastaba Vinícius Júnior ayaa ku guuleystay in boos joogta ah uu ka helo qorshaha kooxda Real Madrid kulmadii dhawaa, sababa la xiriira qaab ciyaareedkiisii fiicnaa iyo sida weyn uu u fahmay Karim Benzema.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here