Halyeeyga Arsenal Ee Ian Wright Oo Si Baas U Weeraray Hal Xiddig Oo Arsenal Ah Kadib Guuldaradii Liverpool

0

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Ian Wright ayaa weerar ba,an ku qaaday xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Stephan Leichtsteiner kadib qaab ciyaareedkii liitay ee uu soo bandhigay kulankii Liverpool.

Arsenal ayaa ka naxsatay Liverpool iyaga oo wakhti hore hogaanka u qabtay kulanka kadib markii uu Ainsley Maitland-Niles hogaanka u dhiibay.

Laakiin farxadii Unai Emery iyo wiilashiisa ayaan dheerayn kadib markii uu Roverto Firmino goolka 1-aad u dhaliyay Liverpool daqiiqaii 14-aad kadib markii uu ka faa,iidaystay khalad uu sameeyay Leichtsteiner Ka hor inta uuna hadana isla Firmino ka faa,iidaystan khalad kale uu uu Leichtsteiner sameeyay hogaankana u dhiibin kooxda Liverpool.

Khaladkii xalay ayaa ku xigay khalad waali ah oo uu Leichtsteiner sameeyay kulankii Boxing day-ga ee ay bar-baraha la galeen Brighton sababtna u noqday in ay Brighton dhaliso goolka bar-baraha.

Waxa uu yidhi” Waxa aan kuu sheegayaa hadii ay meeshu ahaan lahayd meel dil dambi ah ka dhacay faraha Leichtsteiner ayaa meel walba laga heli lahaa isaga ayaana sabab u ah wax walba oo ku dhacay Arsenal”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here