Halyeeyga Arsenal Ee Alan Smith Oo Qiimeeyay Saxiixyada Chelsea Ee Gonzalo Higuain & Christian Pulisic.

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Alan Smith ayaa qiimeeyay saxiixyada kooxda chelsea ee Suuqii Janaury ee Gonzalo Higuain & Christian Pulisic.

Blues ayaa weeraryahanka reer Argentine kula soo saxiixatay heshiis amaah ah todobaadkii hore isaga oo Alvaro Morata ka badalay kooxda.

Higuain ayaa qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan amaah ku qaatay kooxda Ac Milan isaga oo dhaliyay 8 gool 22 kulan oo uu kooxda u saftay.

Bilowgii bishana Chelsea ayaa la soo saxiixtay xiddiga Christain Pulisic kaas oo ay ka soo bixiyeen lacag dhan 57 milyan oo euro.

“Waxa ay tageen halka ugu saraysa marka laga hadlayo xiddigaha iyo mushaharka kadib Higuain iyo Pulisic”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Waxa ay u baahnaayeen weeraryahan wayna buuxiyeen booskaas, laakiin Higauin waxa uu marka hore u baahan yahay in uu taam noqdo lana qabsado kubada England iyo qaab ciyaareedka chelsea”.

“Pulisic waa wiil yar waliba leh tayo cajiib ah inkasta uu wakhtigii ugu dambeeyay booskiisa Dortmund u waayay Jadon Sancho”.

“Laakiin imaanshihiisa ayaa tayo ku soo kordhin doona xilli ciyaareedkan dambe laakiin waa in ay hoos u dhigaan mushaharka”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here