Halkee Lakala Marayaa Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Premier League? Miyuu Sadio Mane Si Lama Filaan Ah U Noqday Xidiga Ugu Cad Cad?

Qayb ka mid ah kulamada 31 aad ee Premier league ayaa la ciyaaray halka qaybta kale ay noqdeen kulamo u baaqday tartanka FA Cupka oo todobaadkan la ciyaaray wareegiisii siddeed dhamaadka iyada oo hadda ay afar kooxood iskugu soo hadheen Wembley Stadium.

Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa ahaa labada kooxood ee waa wayn ee qaybta ka ahaa kulamadii Premier league ee la soo ciyaaray halka kooxaha Man United iyo Man City ay ku mashquuleen kulamadii FA Cupka. Halka kulankii ay Arsenal la ciyaari lahayd kooxda Wolves loo baajiyay in ay Man United kula ciyaaraysay FA Cupka.

Haddaba iyada oo lagu sii dhawaanayo dhamaadka xili ciyaareedkan waxaa muuqata in tartanka kabta dahabka ah ee Premier leauge uu u furan yahay si aan hore loo arag waxaana jira shan ciyaartoy oo si toos ah uga tartamaya kabta dahabka ah ee Golden Shoe.

Sadio Mane ayaa qaab duufaan ah ku qaadanaya gool dhalinta kooxdiisa Liverpool ee tartamada oo dhan waxayna tani ka caawisay in uu si lama filaan ah uga mid noqday xidigaha ugu cad cad ee kabta dahabka ah ku guulaysan kara.

Sadio Mane ayaa soo qabtay gool dhalintii Mohamed Salah, Aubameyang iyo Harry Kane oo min 17 gool wada haysta laakiin Sadio Aguero ayaa hadda hal gool oo kaliya ka sareeya afartan xidig iyada oo waliba Sadio Mane uu dardar layaableh ku soo dhaqaaqay.

Laakiin Aguero, Aubameyang iyo Harry Kane kulamada caalamiga ah kadib ciyaari doona kulamadooda 31 aad iyada oo Rahmeem Sterling laftiisu uu 15 gool haysto.

Halkan kaga bogo Miiska Kala Saraynta Premier league Ee Kadib Kulamadii 31-Aad:

1. Sergio Aguero – Manchester City – 18-gool

2. Mohamed Salah – Liverpool – 17-gool

3. Pierre-Emerick Aubameyang – Arsenal – 17-gool

4. Harry Kane – Tottenham -17-gool

5. Sadio Mane – Liverpool – 17 -gool

6 Raheem Sterling – Manchester City – 15-gool

7. Eden Hazard – Chelsea – 13-gool

8- Alexandre Lacazette-Arsenal – 12-gool

9-Raúl Jiménez- Wolves – 12-gool

10-Jamie Vardy- Liecester City – 12-gool

11-Gylfi Sigurdsson- Everton – 12-gool

12-Richarlison- Everton – 12-gool

13-Romelu Lukaku- Man United – 12-gool

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here