Halkee La Kala Marayaa Tartanka Gooldhalinta Yurub & Kabta Dahabka Ah?

0

Waxa uu ku guulaystay abaalmarinta kabta dahabka ah ee gooldhalinta horyaalada yurub xilli ciyaareedkii hore Lionel Messi ayaa sidoo kale haatan wali ku jira tartanka gool dhalinta abaalmarinta xilli ciyaareedkan sidoo kale.

Kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Celta Vigo, Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 15-aad ee horyaalka xilli ciyaareedkan waxa uu haatana hal boos ka dambeeyaa booska 1-aad ee gool dhalinta..

Tartanka gool dhalinta yurub ee abaalmarita kabta dahabka ah ayaa leh qiimayaal kala duwan oo dhanka goolka ah iyada oo ku xidhan horyaalada laga dhaliyay.

Maadam uu Messi ka ciyaarayo horyaalka La Liga waxa gool walba oo uu dhaliyo loogu qiimaynayaa 2 dhibcood sidaas darteed waxa uu haatan leeyahay 30 dhibcood.

Xiddiga ka ciyaaray horyaalka Esonia iyo kooxda Nomme Kalju ee Liliu ayaa Messi ka horeeya hal dhibic oo kaliya taas oo sabab u ah in uu Messi hal boos ka dambeeyo hogaanka.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha ugu goolasha badan horyaalada yurub & dhibcaha ay leeyihiin:

Liliu (Nomme Kalju), 31 goals, 31 Dhibcood
Zakaria Beglarishvili (Flora Tallinn), 30 goals, 30 Dhibcood
Paulinho (BK Hacken), 20 goals, 30 Dhibcood
Lionel Messi (Barcelona), 15 goals, 30 Dhibcood
Patrick Hoban (FC Dundalk), 29 goals, 29 Dhibcood
Mbaye Diagne (Kasimpasa), 18 goals, 27 Dhibcood
Robert Skov (Copenhague), 18 goals, 27 Dhibcood
Roman Debelko (FCI Levadia), 27 goals, 27 Dhibcood
Linus Hallenius (GIF Sundsvall), 18 goals, 27 Dhibcood
Piatek (Genoa), 13 goals, 26 Dhibcood
Kylian Mbappe (PSG), 13 goals, 26 Dhibcood
Emiliano Sala (Nantes), 12 goals, 24 Dhibcood
Nicolas Pepe (Lille), 12 goals, 24 Dhibcood
Luka Jovic (Eintracht Frankfurt), 12 goals, 24 Dhibcood
Paco Alcacer (Dortmund), 12 goals, 24 Dhibcood
Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal), 12 goals, 24 Dhibcood
Nikolay Komlichenko (FK Mlada Boleslav), 15 goals, 22.5 Dhibcood
Pavel Savitskiy (Dinamo Brest), 15 goals, 22.5 Dhibcood
Neymar (PSG), 11 goals, 22 Dhibcood
Cristiano Ronaldo (Juventus) 11 goals, 22 Dhibcood

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here