Halka Waydo Ee Uu Eden Hazard Ku Sii Joogi Doono Chelsea Xilli Ciyaareedka Dambe Oo La Ogaaday

Kooxda chelsea ayaa kaliya ku rajo weyn in ay sii haysato Eden Hazard xagaaga hadii ay kooxda Real madrid go,aansato in ayna u dhaqaaqin xiddiga reer Belguim.

27 jirka ayuu 18 bilood uga hadhsan yahay heshiiskiisa kooxda Chelsea isaga oo wali diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Real Madrid ayaa la filayaa in ay lacag xoogan galiso suuqa marka la gaadho dhamaadka xilli ciyaareedan si ay u xoojiyaan kooxda.

Kooxda difaacanaysa champions league ayaa ku raad joogtay Hazard muddo bilo ah xilli uu Xiddiga laftiisu qirtay in ay riyo u tahay in uu u ciyaaro Real Madrid.

Hazard ayaa dib u dhigay go,aanka mustaqbalkiisa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli ay Blues ku qanacsan tahay in ay mushahar weyn xiddiga ugu qancin karaa in uu sii joogo.

Laakiin ESPN ayaa sheegaya in uu Hazard kaliya sii joogi karo Stamford Bridge hadii ay Real Madrid si lama filaan ah xiddig kale u dhaqaaqdo.

Madrid ayaa 7 dhibcood ka dambaysa hogaamiyayaasha Barcelona ee La Liga iyaga oo dhibaatooday kadib bixitaankii Cristiano Ronaldo.

Imaatinka Pulisic ayaa dhanka kale Spain looga arkaa in ay chelsea isku diyaarinayso nolol ka dambaysa Eden Hazard.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here