Halka Shardi Ee Barcelona Ku Qasbi Doona In Ay Iibiso Philippe Coutinho Suuqa Xagaaga

0

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay ee mustaqbalka xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho.

Xiddiga reer Brazil ayaa si weyn loola xiriirinayaa in uu isaga tagayo kooxda Barcelona suuqa xagaaga si uu u raadsado koox uu si joogto ah uguciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

Sidoo kale tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaan ku qanacsanayn awooda xiddiga tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray suuqii January kagana soo biiray kooxda Liverpool.

Coutinho ayaa ka soo bixi waayay wixii laga filayay isaga oo ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii Barcelona ku qanciyay in ay ka soo bixiyaan adeegiisa lacag dhan 145 milyan oo euro.

Wargayska Sports ayaa sheegaya in ay maamulka Barcelona wakiilka xiddiga u sheegeen in ayna doonayn in ay iibiyaan xiddiga marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Si kasta ha ahaatee hadii uu xiddigu ku adkaysto in uu isaga tago kooxda waxa ay u sheegeen in lagu iibin doono xiddiga lacag dhan 100 milyan oo euro marka la gaadho suuqa kala iibsiga xgaaga.

Xiddiga ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxaha PSG, Man United iyo Chelsea kuwaas oo doonaya adeegiisa marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here