Hal Xiddig Oo Man United Ah Oo Markii Ugu Horaysay 2008 Ka Hortay Lionel Messi Oo Caawana Ka Hor Tagi Doona, Waa Kuma?

Dhamaan 11-kii xiddig ee Man United ee ka hor tagay Lionel Messi markii ugu horaysay sanadkii 2008 ayaan haatan ka ciyaarin garoonka Old Trafford laakiin hal xiddig ayaa Lionel Messi kaga hor tagi doona kulanka caawa laakiin isaga oo tababare ah.

Messi ayaa ka hor tagay Man United markii ugu horaysay isaga oo 21 jir ah Semi-finalkii tartanka champions League ee sanadkii 2008.

Laakiin xiddiga ayaan wakhtigaas ahayn sida uu haatan yahay ee uu yahay xiddiga awooda leh isaga oo ka hor tagay difaacayada Man United oo ay wakhtigaas u ciyaarayeen Wes Brown, Rio Ferdinand, Owen Hargreaves & Patrice Evra.

11-kii xiddig ee Barcelona kaga hor tagay Camp Nou kulankaas way ka wada tageen Man United laakiin hal mid ayaa kaydka soo fadhiisanaya caawa kulanka Red Devils marti galin doonto kooxda Barcelona.

Ninkaas ayaa ah Michael Carrick Kaas oo haatan ka mid ah shaqaalaha tabaabrka Man United oo uu ku biiray kadib markii uu ka fadhiistay ciyaaraha kubada cagta dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Michael Carrick ayaa ah xiddiga kaliya ee haatan ka jooga Man United shaxdii 1/0 Barcelona uga reebtay tartanka champions League iskana xaadirisay finalka isla markaasna ku guulaysatay tartanka.

Carrick ayaa kulanka caawa ku rajo weyn in uu khibradiisa kooxda Man United uga caawiyo in ay garaacdo Man United iskana xaadiriso Semi-finalka tartanka champions League

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here