Hal Dhibaato Oo Ac Milan Ka Hor Taagan In Ay Dhamaystirto Saxiixa Badalka Gonzalo Higuain.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Genoa ee Krzysztof Piatek ayaa lagu soo waramayaa in uu xor u noqon doono in uu ku biiro kooxda Ac Milan hadii uu Gudoomiyaha Ivan Gazidis Ogolaansho siiyo dhamaystirka heshiiska.

Sida laga soo xigtay wargaysyada Gazzetta dello Sport & Sport Mediaset, agaasimaha Milan ee Leonard ayaa saacadaha soo socda la kulmi doona Madaxweynaha kooxda Genoa si uu u dhamaystiro heshiiska.

Si kasta ha ahaatee dhibaatada ugu weyn ayaa ah in uuna Gudoomiyaha Koxoda ee Gazidis wali ogolaansho siin in uu xiddigu yimaado Milan.

Laakiin wargayska Sport Mediaset ayaa sheegaya in Leonardo wax walba qiimeeyay waliba huba in ayna Milan jabin doonin xeerka dhaqaale wanaaga.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Milan bixin doonto lacag dhan 15 milyan oo heshiis amaah ah ka hor inta ayna 25 milyan oo euro oo toos ah ula wareegin xiddiga.

23 jirkan ayaa sidoo kale la filayaa in uu qalinka ku duugo heshiis ilaa 2023 ah oo uu sanadkii ku qaadan doono lacag dhan 2 milyan oo euro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here