“Hadii Ay Gacantayda Ku Jiri Lahayd Mar Hore Ayaan Halkan Iman Lahaa”:- Kylian Mbappe Oo Qirasho La Yaab Leh U Sheegay Madax Real Madrid Ah.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa sameeyay qirasho weyn oo ku saabsan kooxda Real Madrid.

Kylian Mbappe ayaa qirtay in uu wakhti horeba ku biiri lahaa kooxda Real Madrid hadii ay arintu isaga gacantiisa ku jirto sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

20 jirkan ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu qiimaha badan da,yarka kubada cagta tan ilaa markii uu kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaray Monaco.

PSG ayaa ahayd kooxdii Real Madrid ku garaacday saxiixa xiddiga sanadkii 2017 iyada oo ugu horayn kula wareegtay heshiis amaah ah ka hor inta ayna 166 milyan ugula wareegin laakiin arimaha ayaa ka duwanaan laha sida haatan.

Wakhtigiisii Monaco sanadkii 2013 xiddiga iyo qoyskiisa ayaa booqday Real Madrid waxana ay xitaa la kulmeen Cristiano Ronaldo,Zinedine Zidane & Carlo Ancelotti oo tababare ahaa wakhtigaas.

Fikrada booqashada ayaa ahayd in uu xiddiga iyo qoyskiisu tijaabiyaan in ay Madrid tahay meel uu ku horumarin karo xirfadiisa.

Xitaa waxa jiray dalab Rasmi ah oo ay Real ka gudbisay xidiga laakiin qoyska Mbappe ayaa doonayay in ay ku sii noolaadaan Paris.

Sida laga soo xigtay Wargayska AS kulankii 16-ka champions League ee ay Real Madrid kula ciyaartay PSG garoonka Santiago Bernabeu ayuu Mbappe Rela Madrid u sameeyay qirasho.

Warka ayaa sheegaya in meel ku dhaw qolka Labiska kulanka kadib in uu xiddigu, Isidro Diaz kula hadlay hadlay una sheegay arinta.

Isidro Diaz ayaa ah xiddig Real Madrid u soo ciyaaray 1970 haatana la taliye uga ah da,yarka kooxda.

Mbappe ayaa Isidro Diaz ku aqoonsaday booqashadiisii ugu dambaysay markaas oo uu Isidro Diaz la hadlay qoyska Mbappe.

Isidro Diaz ayaa Mbappe u sheegay habeenkaas “Waa in aad timaado Madrid”.

Mbappe ayaa la sheegayaa in uu ugu jawaabay”Hadii ay gacantayda ku jiri lahayd waxa aan iman lahaa halkan wakhti hore”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here