Haddii Uu Sergio Ramos Kaadhka Cas Ugu Qalmay Dhacadii Messi, Sababta Fashilkii Real Madrid Iyo Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Natiijadii Kulankii El Clasico.

Kabtanada kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ee Lionel Messi iyo Sergio Ramos ayaa xalay madaxa isla galay kadib markii uu Messi si wayn uga cadhooday in Ramos uu gacantiisa afka kaga dhuftay isla markaana aanu garsooruhu wax qalad ah dhigin ama aanu Ramos wax digniin ah siin.

Dhamaadkii qaybtii hore ee kulankii Bernabeu ayuu Ramos gacantiisa ku dhuftay wajiga Lionel Messi laakiin garsooraha ayaa ciyaarta sii waday iyada oo ugu danbayn uu Lionel Messi soo kacay waxayna madaxa isla galeen Ramos iyada oo garsooruhu soo kala gaadhay.

Laakiin Jose Mourinho oo hore colaad uga soo dhex abuuray kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo xalay soo fadhiistay beIN Sports si uu u falanqeeyo kulankii El Clasico-da ayaa ku dooday in Ramos aanu wax ciqaab ah u qalmin oo uu gasooruhu saxsanaa.

Laakiin Mourinho ayaa isku dayay sababta uu Ramos arintan u sameeyay wuxuuna sidoo kale Mourinho ka hadlay qaabkii ayna Real Madrid awood ugu yeelan in ay wax cadaadis ah saaraan Sergio Busquets kaas oo uu ku dooday in uu si xor ah ku ciyaaray.

Jose Mourinho oo ka hadlaya dhacdadii Ramos iyo Messi ee dhamaaadkii qaybtii hore ee kulankii El Clasico-da ayaa yidhi: “Aniga ahaan ma aha kaadh cas, waxaan filayaa in ugu dhawaan ayna xataa kaadh digniin ahayn. Waxaan filayaa in uu isagu (Ramos) la yimid dagaal ka duwan, sababtoo ah, aniga fikrad ahaantayda waxa u doonayay in uu badalo wax qaldamay”.

Jose Mourinho oo sii difaacaya Ramos ayaa yidhi: “Waxaan filayaa in ugu dhawaan ficilkan Sergio Ramos ee daqiiqadii qaybtii hore ugu danbaysay uu ka yimid ciyaartoy ogaa in ay waajib ahayd in ay ciyaartu isbadasho. Ugu dhawaan si ula kac ah umuu samayn si uu u abuuro jawi ka duwan qaybta labaad”.

Laakiin Jose Mourinho ayaa ku dooday in jawigii iyo heer kulkii ciyaartii Bernabeu ay ahayd mid aad ugu haboon Barcelona wuxuuna yidhi: “Heer kulka ciyaartu waxa uu si sax ah ugu haboonaa Barcelona. Waxay haysteen kubbada, waxay haysteen natiijada, waxay dhaqaajinayeen kubbada”.

Jose Mourinho oo sababta sii sharaxaya ayaa yidhi: “Khadka dhexe ee Real Madrid waxay ku ciyaareen goob, marnaba cadaadis may saarin Busquets kaas oo gabi ahaanba xoriyad ku ciyaaray”.

Macalinkii hore ee Real Madrid ee Jose Mourinho ayaa intaas kadib ka hadlay qaladkii ay Madrid samaysay goolkii Ivan Rakitic wuxuuna yidhi: “Waxaa Ramos waajib ku ahayd in uu isku taago goolkii Rakitic, maxay sababtu tahay?, waxay sababtu tahay ciyaartoyda khadka dhexe cadaadis may saarin Rakitic, kadib banaankii danbe ayuu goolka ka dhaliyay, muu ahayn cadaadis ku filan”.

Real Madrid ayaa hadda diirada saari doonta kulanka Ajax ee Champions Leauge iyada oo waliba Ramos uu ganaax ku maqnaan doono waxayna hadda Los Blancos muhiimada ugu wayn ka dhigan doontaa in ay Champions League xili ciyaareedka kooxdeeda ku badbaadiso.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here