“Haddii ay jirto qof si fiican u taqaana kooxda Real Madrid waa Zidane” – Ramos

Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka hadlay dhowr arimood ee quseeya kooxdiisa oo ay ka mid yihiin eedeymaha soo gaaraya Los Blancos iyo go’aan qaadashada kooxda.

Ugu horeyn Sergio Ramos oo ka hadlayay sida uu ugu faraxsan yahay in mudo dhan 14 sano uu soo xirnaa maaliyada xulka qaranka Spain ayaa wuxuu yiri:

“Haa, waan ku faraxsanahay taas, lakiin inkastoo ay jirto xaalad shakhsi ahaaneed ee dhanka tababaraha ah waxaan rajeynayaa in xaalada ay soo fiicnaan doonto”.

Intaas kadib Sergio Ramos ayaa wax laga weydiiyay arimo quseeya kooxda uu kabtanka ka yahay ee Real Madrid wuxuuna yiri:

“Waxaan halkaan u joognaa inaan ka hadalno arimo quseeya xulka qaranka, ma guuleysan kartid noloshaada oo dhan, waa inaad ku qaadataa wakhtiyo fiican iyo wakhtiyo xun”.

isbeddelada waxay sameeyaan waxyaabo fiican, waa wakhtigii aan ku laaban lahaa kooxda, waana ku faraxsanahay, si aan u difaaco maaliyada cadaanka ah ee kooxda”.

“Soo laabashad Zidane waa war ay aad u soo dhaweeyeen dhamaan inta ku sugan kooxda, laakiin ma qaadanayo mas’uuliyadeeda, aniga ma ihi cida gaareysa go’aamada noocan oo kale ah”.

“Tani waa inay si fiican u fahmaan dadka qaarkood ee sheegaya Ramos ayaa gaara go’aamada, haddii uu jiro qof si fiican u yaqaana kooxda Real Madrid waa Zidane, soo laabashadiisu aad ayay ugu fiican tahay qof walba”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here