Guusha Liverpool Ee Premier League Waxay Igi Dhigi Kartaa Ninka Aduunka Ugu Faraxsan- Steven Gerard Oo Kadib Wacdarihiisii Anfield Saxaafada La Hadlay.

Kabtankii hore ee kooxda Liverpool ee Steven Gerard ayaa dareenka jamaahiirta kooxdiisa Reds si wayn u dhaqaajiyay kadib markii uu daqiiqadihii ugu danbeeyay dhaliyay goolkii ay halyayada Liverpool guusha kaga gaadheen dhigooda AC Milan ee kulankii Anfield ka dhacay.

Laakiin Steven Gerard ayaa saxaafada la hadlay markii uu soo dhamaaday kulankii sama falka ahaa ee halyayada kooxaha Liverpool iyo AC Milan wuxuuna sheegay in uu noqon doono ninka aduunka ugu faraxsan haddii ay kooxda Jurgen Klopp ee Reds ay kooba Premier league ku guulaysato.

Steven Gerard oo waayihiisa ciyaareed intii ugu badnayd ku soo qaatay Anfield isla markaana sanado badan kabtan u soo ahaa Reds ayaa Liverpool u soo ciyaaray 710  kulan wuxuuna soo dhaliyay 186 gool laakiin waxa uu doonayaa in uu arko Reds oo koobka Premier league sare u qaadaysa.

Liverpool ayaan koobka Premier league ku guulaysan tan iyo wixii ka danbeeyay 1990 kii iyada oo Gerard uu sheegay in uu wali dareemayo cadaadiska koob la’aanta Premier league ee kooxdiisa Reds.

Steven Gerard ayaa yidhi: “I rumaysta aniga, waxaan wali dareemayaa cadaadiska. Dhinaca danbe ee maskaxdayda ayay ku jirtaa, shaqo maalineed ayaan hadda helay waxanan diiradayda oodhan saarnayd Rangers, laakiin waxaan hal il ku hayaa Anfield waxaanan rajaynayaa in wiilashu ay ku socon karaan oo ay xariiqda na dhaafin doonaan, sababtoo ah waxaan noqon doonaa ninka aduunka ugu faraxsan”.

Dhinaca kale Steven Gerard ayaa ka dareen celiyay ku soo laabashadiisa Anfield oo uu waqtiyo cajiib ah ku soo qaatay wuxuuna yidhi: “Markastaba waa waqti khaas ah in aad timaado Anfield, gaar ahaan marka uu buuxo oo aad garanka xidhato”.

Laakiin Gerard oo ay xusuus gaar ah ku leedahay arintii finalkii Champions league ee Istanbul ay AC Milan kaga yaabsadeen ayaa yidhi: “In aan ciyaartoydii hore ee aanu isku kooxda ahayn oo dhan kula ciyaaro kulanka Milan oo aan helo ka guusha xaqiiqdii waa dareen khaas ah. Waa layaab, isla marka aad casuumada hesho ma sugi karaysid”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here