Guriga Mid Ka Mid Ah Ciyaartoyda PSG Oo La Jabsatay, Alaab Hal Milyan Ku Dhaw Oo Laga Xaday Iyo Amaankii Ilaalada Kooxda PSG Oo Waxba Tari Waayay.

Kooxda PSG ayaa ciyaartoyda kooxdeeda ka caawisay in la sugo amaankooda iyo waliba amaanka hantidooda waqtiga ay ku mashquulsan yihiin u ciyaarista kooxda ama ay xarunta tababarka joogaan, laakiin mid ka mid ciyaartoyda PSG ayaa hanti badan ku waayay in tuugo ay u dhaceen gurigiisa waqti uu ku mashquulsanaa waajibadka kooxdisia PSG.

Wargayska caanka ah ee L’Equipe oo dalka Faransiiska ka soo baxa ayaa faah faahin ka bixiyay qaabkii ay tuugo u jabsadeen guriga difaaca PSG ee Thiago Silva isla markaana ay uga qaateen alaabo uu qiimahoodu ku dhay yahay hal miyal oo euros.

L’Equipe ayaa shaaciyay in guriga Thiago Silva uu ku yaalo meel amaankeedu uu aad u sugan yahay balse ay tuugtu ka soo dhaceen dhinaca sare ee guriga iyaga oo saqafka sare banaystay isla markaana guriga gudaha ugu soo daatay isla markaana alaabo badan oo qaali ah ka xaday.

Waxyaabaha sida gaarka ah loo xusay ee guriga Thiago Silva laga xaday waxaa ka mid ah saacado iyo waxyaabo qalabka raaxda ah oo ku qiimaysan 600,000 kun oo gun oo gini balse guud ahaan waxaa guriga laga qaatay alaab uu qiimahoodu ku dhaw yahay hal milyan oo euros.

Waqtiga guriga Silva la jabsatay waxay kooxdiisa PSG la ciyaaraysay kooxda Nantes iyada oo guul kaga gaadhay gool uu dhaliyay Kylian Mbappe laakiin markii uu Silva soo laabtay waxaa farxadiisii guusha dhibaato ku noqotay in gurigiisii la jabsatay.

Ma aha wax cusub in ciyaartoyda PSG gurahooda la jabsato oo hanti laga xado, balse bishii hore ayay ahayd markii xidiga ay Thiago Silva isku kooxda PSG yihiin ee Eric Choupo-Moting isna gurigiisa loo dhacay ee alaabo laga xaday.

Amaankii ay kooxda PSG siinaysay ciyaartoyda kooxdeeda ayaa hadda u muuqda mid fashilmay iyada oo danbiilayaashu ay noqdeen kuwo caadaystay in ay u dhacaan guryaha ciyaartoyoda PSG si ay hanti badan oo qaali ah uga xadaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here