Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay guuldaradii ay kooxdiisu kala kulantay kooxda Leicester City kulan ka tirsanaa horyaalka premier league.
Man City ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Leicester City kulan ka dhacay King Power todobaadkii 19-aad ee horyaalka premier league.
Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa naga maqnayd kalsoonida waa in aanu aqbalno wxa dhacay waana in aanu si adag u shaqayno si aan natiijo fiican u helno una soo ceshano kalsoonida mar kale”.
“Waxa aan si weyn uga wal-walsanahay in aanan ilaashan shaabqeena laakiin Natiijada ayaa ah mida muhiimka ah waana nalaga badiyay waliba guuldaradii 2-aad oo xiriir ah muddo 4 maalmood ah”.
“Wali xilli ciyaareedku wuu dheeryay waxana wali noo hadhay wax badan oo aanu u dagaaalano, goolkii Leicester City waxa uu ahaa mid cajiib ah waxa jira kulamada qaar aan lagaa dhalin goolal noocaas oo kale ah halka kulamada qaar lagaa dhalinayo”