Graeme Souness Oo Sheegay Halka Arin Ee Ay Man City Dhigeeda Liverpool Ugu Garaaci Karto Hanashada Horyaalka Premier League.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ahna khabiirka Sky Sport ee Graeme Souness ayaa tilmaamay Halka arin ay Man City Liverpool ugu garaaci Hanashada horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Graeme Souness ayaa sheegaya in ay Man City u baahantahay in ay guul gaadho mid kasta oo ka mid ah kulamada u hadhsan hadii ay doonayaan in ay Liverpool ka hor istaagaan ku guulaysiga horyaalka premier league.

Souness ayaa sheegay hadii ay Arsenal dhibico ka qaadato Man City kulanka maanta waxa u dhawaan doontaa dhamaadka horyaalka premier League dhankooda.

Kadib markii ay Tottenham garaacday Newcastle shalay Kooxda Man City ayaa kaalinta 3-aad u dhaadhacday laakiin City ayaa maanta ciyaari doonta.

Isaga oo la hadlay wargayska The Sun ayaa yidhi” Waxa ay u baahan yihiin in ay badiyaan dhamaan kulamada u dhiman, City ma lumin karto dhibco kale taas waxa ay ku sii kordhinaysaa cadaadiska”.

Man city ayaa ciyaari doonta 3 kulan oo horyaalka ah todobaadkan taas oo muhiim u noqon doonta tartanka horyaalka.

“Tartanka horyaalka waxa go,aamin doona cida xamishada cadaadiska, City waxa ay Arbacada la ciyaari doontaa Everton kadib Chelsea Axada dambe laakiin waa in ay ka hadlaan marba kulanka la joogo waana in ay badiyeen kulanka Arsenal”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here