Goormaa Tottenham Ugu Danbaysay In Ay Guul Ku Gaadho Anfield? Xaalad Walwal Badan Ku Abuuraysa Pochettino, Kana Farxinaysa Jamaahiirta Reds.

Liverpool ayaa axada Anfield ku soo dhawayn doonta kooxda Tottenham, waana kulan loo arko in uu saamayn toos ah ku yeelan doono tartanka koobka Premier league iyo waliba kaalmaha sare ee loogu soo baxayo UEFA Champions League.

Laakiin Tottenham ayay walwal wayn ku tahay in ay Anfield booqan doonaan axada xili ay dhibaato wayn dhexda kaga soo jireen laakiin waxaaba taas ka sii xun rekoodhka aadka u liita ee ay garoona Liverpool ku soo lahaayeen ku dhawaad tobankii sanadood ee la soo dhaafay.

Haddaba goormaa Tottenham ugu danbayay in ay Anfield Guul Kaga Soo Gaadhay Liverpool kulan horyaalka Premier league ah?

Si aan su’aashan uga jawaabno waxaa qasab ah in aan dib ugu laabanayo May 2011 markaas oo ahayd xiligii ugu danbeeyay ee ay Tottenham gashay Anfield ee ay saddexda dhibcood kala soo baxday, laakiin tan iyo markaas wixii ka danbeeyay Spurs waxay noqdeen kuwo ku soo dhibtoonayay kulamadii Anfield ee ay Liverpool martida u ahaayeen.

Guud ahaan Liverpool ayaan xili ciyaareedkan hal guuldaro ku soo gaadhin Anfield tartamada oo dhan, waxayna guuldaradii ugu danbaysay ee Anfield ku soo gaadhay kulan Premier league ahi ay ahayd April 2017 kii iyada oo ka mid noqotay kooxaha ugu qaab ciyaareedka fiican marka martida loo yahay.

Markii ugu danbaysay ee ay Tottenham guul ku soo gaadhay Anfield waxay soo gaadheen guul 2-0 ahayd oo waliba uu muran hadheeyay iyada oo garsoorihii ay jamaahiirta Liverpool ugu necbaayeen ee Howard Webb uu rekoodhe ku abaal mariyay Tottenham  kadib markii uu  Jon Flanagan ku ciqaabay in uu qalad ku galay Steven Pienaar.

May 2011 kii oo ahayd markii ugu danbaysay ee ay Tottenham guul ku soo gaadhay Anfield waxaa guusha labada gool ahayd ku hogaamiyay Rafael van der Vaart iyo Luka Modric oo goolka rekoodhaha ahaa dhaliyay, laakiin muddadii uu badnayd ee uu Modric joogay Madrid waxay wali Tottenham ka qatan yihiin guul ay Anfield ku gaadhaan.

Harry Redknapp ayaa ahaa tababarihii ugu danbeeyay ee Tottenham maamulay ee Anfield guul ku soo gaadhay iyada oo Pochettino uu wali sugayo in uu dha dhamiyo macaanka saddex dhibcood oo Anfield lagu helo wuxuuna tababarihii ugu danbeeyay ee Liverpool ahaa ee Anfield ay guuldaro kaga soo gaadhay Tottenham uu ahaa Kenny Dalglish taas oo muujinaysa sida ay taariikh hore u tahay.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka axada ayaa noqon doona kulan kale oo ay Tottenham iskugu dayi doonto in ay ka baxdo inkaarta Anfield ku soo haysatay inkasta oo ay jiraan kooxo Tottenham kaga sii liita oo aan Anfield guul ku gaadhin muddo 15 sanadood ka badan oo ay Man City ka mid tahay, haddana Spurs ayay walwal wayn ku sii tahay in ay Anfield marti ku noqon doonaan xili ay Liverpool u nafbaxsan tahay sidii ay koobka Premier league ugu guulaysan lahayd.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here