Goorma Ayay Real Madrid Heli Doontaa Xiddigaha Dhaawaca Uga Maqan Ee Ay Hogaaminayaan Bale & Kroos?

0

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhibaatoonaysa dhaawacyo aad u badan ka hor kulanka Real Betis ee Axada kana tirsan horyaalka La Liga.

Tababaraha reer Argentine ee Santiago Solari ayaan soo xulan doonin 7 xiddig oo ka mid ah kooxda kuwaas oo uga maqan dhaawac ama ganaax.

Xiddiga reer Wales ee Gareth Bale ayaa hogaaminaya xiddigaha dhaawaca uga maqan kooxda kaas oo maqnaan doona muddo 2 todobaad ah oo aan ciyaari doonin kulamada Betis iyo Leganes.

Marco Asensio ayaa dhankiisa maqnaan doona muddo 3 toodbaad ah isaga oo seegi doona kulamada Betis, Leganes iyo Sevilla.

Xiddiga khadka dhexe ee Toni Kroos ayaa dhankiisa ka maqnaan doona Real Madrid muddo 3 todobaad ah waxa uu seegi doonaa Kulamada Betis, Leganes, Sevilla iyo waliba kulanka Espanyol.

Xiddiga Marcos Llorente ayaa dhankiisa maqnaan doona muddo 3 todobaad ah isaga oo seegi doona kulamada Betis, Leganes iyo Sevilla.

Waxa hadhay goolhayaha kooxda ee Thibout Courtois kaas oo garoomada ka maqnaan doona 10 ilaa 14 maalmood isaga oo sidaas darteed seegaya kulamada Betis iyo Leganes.

Sidoo kale xiddiga Maraino Diaz ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo aan ilaa haatan la shaacin waxa ay u badantahay in uuna ciyaari doono kulanka Axada ee Leganes.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here