Goolhaye Thibaut Courtois Oo Ku Biiray Liiska Dheer Ee Dhaawacyada Real Madrid.

0

Liiska dhaawacyada kooxda Real Madrid ayaa sii dheeraaday kadib markii uu dhaawac soo gaadhay goolhayaha 1-aad ee kooxda Thibaut Courtios.

Wararka haatan ay qorayaan waryasyada kala duwan ee Spain ayaa sheegaya in uu dhaawac soo gaadhay goolahaha reer Belguilm ee Thibaut Courtios.

Real Madrid ayaa dhankeeda xaqiijisay in uu goolhayaha reer Belguim ka dhaawacmay muruqa lugta bidix.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu goolhaye Thibaut Courtios ku biiray Liiska dheer ee dhaawacyada kooxda Real Madrid.

Goolhayaha reer Belguim oo ah dookha 1-aad ee kooxda Real Madrid ayuu dhaawac soo gaadhay kaas oo garoomada ka maqnaan doona muddo 3 todobaad ah.

Thibaut Courtios ayaa Liiska dhaawacyada kula biiray xiddigo waaweyn oo ay ka mid yihiin Bbale iyo Asenio kuwaas oo dhaawac kaga maqan kooxda.

Taas ayaa la macno ah in ay kooxda Real Madrid haatan dhaawac uga maqan yihiin 6 xiddig oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Halkan Hoose kaga bogo Liiska sii badanaya ee dhaawacyada Real Madrid:

Gareth Bale
Toni Kroos
Thibaut Courtois
Marco Asensio
Mariano
Marcos Llorente

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here