GOOBAHA DAGAALKA: Saddexdan Meelood Ayay Ku Kala Guulaysan Karaan Arsenal & Man United Iyo Guuldaradii Spurs Oo Dagaalka Sii Xoojin Doonta.

Tartanka loogu jiro kaalinta saddexaad iyo afraad ee horyaalka kubadda cagta Ingiriiska ee Premier League ayaa sii kululaaday iyadoo Arsenal ay garoonkeeda Emirates ku marti gelin doonto Manchester United oo waqtigan booskaas ku fadhida.

Ciyaartan ayaa Arsenal u imanaysa xilli ay la niyad-jabsan tahay guul-darradii ay kooxda reer France ee Rennes u soo xammbaarisay Khamiistii oo ay iskaga hor yimaaddeen luga hore ee tartanka Europa League wareeggiisa 16-ka, laakiin Manchester United ayaa kulankan ugu soo aaday xilli ay rayn-raynta iyo farxadda guushii ay kasoo gaadheen PSG weli damaashaadkeeda ku jiraan.

Waxa kale oo sii caawinaysa United warka fiican ee ah in laga adkaaday Tottenham oo ay Southampton ku saqiirisay 2-1, taas oo Man United ay u baahan tahay inay Arsenal ka dhaliso shan gool iyo ka badan si ay booska saddexaad ugu fadhiisato, amaba ugu yaraan guul ay ka hesho Emirates ay ka caawiso inay dhibco ahaan ula sinmaan Spurs.

Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa Arbacadii kala soo laabatay guul weyn magaalada Paris oo ay marti ugu noqotay PSG, waxaanay libintaas ugu soo gudubtay wareegga siddeed kooxood ee Champions League, iyadoo sugaysa naadiga ay la ciyaari doonto wareegga xiga.

Halka Manchester United ay farxadda la qaybsanayaan jamaahiirtooda iyo qoysaskooda, wiilasha tababare Unai Emery waxay daawaynayaan dakharradii kasoo gaadhay guul-darradii ciyaartaas.

Marka ay garoonkeeda Emirates ku martigeliso Manchester United, waxay Arsenal isku dayi doontaa inay soo bandhigto ciyaarteeda ugu quruxda badan iyo midda ay guul ku heli karayaan, waxaana uu tababare Emery mar kale lasoo shir tegi doonaa shaxda uu ku kalsoon yahay, taas oo jamaahiirtuna qiimayntoodii ugu dambaysay ku samayn doontaan si ay usii fiiriyaan haddiiba ay siin karaan kalsooni uu xili ciyaareedka dambe kusii hayn karayo shaqadan.

Manchester United ayaa iyaduna dhinaceeda waxay halgan u geli doonaan inay sii wadaan rikoodhkooda cajiibka ah ee guulaha ee intii uu tababare Solskjaer shaqada hayey oo aan hal mar oo kaliya lagaga adkaanin Premier League.

Haddaba ciyaartan waxa go’aamin doono natiijada ciyaarta dhawr meelood oo uu dagaalka ugu adag ku dhex mari doono labada kooxood, meelahaas oo naadiga ku guuleysta uu ugu dambayn la hoyan doono saddexda dhibcood ee ciyaarta.

Goobahan dagaalka, waxa qayb ka noqon doona weeraryahannada labada kooxood iyo difaacaba, kuwaas oo Emery iyo Solskjaer ay shaxahooda usii naqshadayn doonaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen.

Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa saddexda meelood ee laga go’aamin doono natiijada ciyaarta ee dagaalka ugu adagna ka dhici doono:

  1. Sokratis vs Romelu Lukaku

Inkasta oo difaacyahanka Arsenal ee Sokratis uu ciyaar ka geddisan middii lagu yaqaanay uu soo bandhigay kulankii Tottenham, kaadh casna lagaga saaray ciyaartii Rennes ee Khamiistii, waxa uu rajaynayaa inuu qaab ciyaareed cajiib ah lasoo laabto marka uu Manchester United ka hor tago.

Gacanta uu siinayo Arsenal waxay noqon doontaa mid muhiim ka ah ciyaartan, iyadoo shaqadiisuna ay laf-dhabar u noqon doonto sida uu noqon doono shabaqa kooxdiisa ee ay hujuumka kusoo qaadayaan xiddigaha Manchester United ee dhalinta goolashu u fududaatay xilliyadan dambe.

Sokratis waxa hortaalla shaqo adag oo ah inuu xakameeyo Romelu Lukaku oo usbuucii hore galay taariikhda Manchester United, kaddib markii uu saddex ciyaarood gudahood ku dhaliyey lix gool dhamaan tartamada.

Qaab ciyaareedka Lukaku ayaa ahaa udub-dhexaadka guulaha kulamadii dambe ee Manchester United, waxaana uu laf-dhuun gashay ku noqday Southampton iyo PSG, iyadoo uu dib u helay kalsoonidii uu ka lumiyey Jose Mourinho.

Qaabka uu Lukaku u ciyaaro, waxay saamayn ku yeelan doontaa bandhigga guud ee ciyaarta iyo ugu dambayn naadiga guusha la hoyan doona, waxaana uu diyaar u yahay, siina deraasayn doonaa sida uu dayacnaan uga heli karayo difaaca dhaawacyadu daashadeen ee Arsenal.

Lukaku waxay si toos ah isku qaabbili doonaan difaaca reer Greek ee Sokratis, waxaana uu weeraryahanka reer Belgium isticmaali doonaa jidhkiisa awoodda badan iyo orodkiisa, halka difaacyahankana uu khibraddiisa iyo kartidiisa oo dhan iskugu geyn doono sidii uu u joojin lahaa bidixlaha Solskjaer fahamka kusoo celiyey.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here