Gonzalo Higuain Oo Tilmaamay Farqiga Ugu Weyn Ee U Dhexeeya Serie A-da & Premier League

Weeraryahanka kooxda chelsea ee Gonzalo Higuain ayaa tilmaamay farqiga ugu weyn ee u dhexeeya horyaalka Serie A-da iyo Premier League.

Gonzalo Higuain ayaa sheegay in farqiga ugu weyn ee premier league iyo Serie A-da u dhexeeya in uu yahay qaabka ay daafacyadu u dhaqmaan.

31 jirkan ayaa chelsea ugu soo biiray heshiis amaah ah isaga oo kaga soo biiray kooxda Juventus isaga oo dhaliyay 2 gool kulankii ay chelsea guusha weyn ka gaadhay Huddersfield.

Higauin ayaa ku rajo weyn in uu qaab fiican soo bandhigo kadib markii uu qaab ciyaareed liita soo bandhigay bilowgii xilli ciyaareedkan intii uu amaahda kula joogay Ac Milan.

“Farqiga ugu weyn ee u dhexeeya horyaalka Serie A-da iyo Premier League ayaa ah in ay daafacyada horyaalka Talyaanigu si xoogan kuula dhaqmayaan gaar ahaan marka aad kubada haysto”ayuu Higauin yidhi.

“Kaas ayaa ah Farqiga ugu weyn laakiin waxa aan si fiican ku bilowday Engaldn waxana aan maali walba maalinta ku xigta si fiican ula sii qabsan doonaa jawiga”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here