Gonzalo Higuain Oo Qirtay In Uu Ka Cabsado In Uu Dibada Uga Boxo Gurigiisa, Sabab

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Gonzalo Higuain ayaa qirtay in uu si weyn uga cabsado in uu ka soo boxo gurigiisa kuna caweeyo ama u soo boxo magaalada London tan ilaa markii uu heshiiska amaahda ah ugu soo biiray kooxda chelsea suuqii January.

Xiddiga reer Argentine ee Gonzalo Higuain ayaa qirtay in dhaleecaynta taageerayaasha chelsea uu kala kulmo darteed uu uga cabsado in uu ka soo boxo gurigiisa.

Xiddiga ayaa wakhti adag ku qaadanaya London tan ilaa markii uu heshiis amaah ah ugu yimid kooxda suuqii January ee bilowgii sanadkan kagana soo biiray kooxda Ac Milan oo markii hore amaah ku haystay.

Kadib qaab ciyaareedkii liitay ee uu soo bandhigay Gonzalo Higuain ayaa dhaleecayn weyn kala kulmay taageerayaasha kooxda chelsea iyada oo ay ugu dambaysay guuldaradii chelsea ka soo gaadhay Liverpool todobaadkii hore.

“Mar walba waan ka shaleeyaa in aan guriga soo xidho aan ka bixi waayo guriga hadlkii aan dibada u bixi lahaa wadooyinkana mari lahaa laakiin waxa aan ka cabanayaa waxa ay taageerayaashu igu odhan lahaayeen”ayuu u sheegay ESPN.

“Waa dad sameeya waxyaabo badan oo xun walib aan waxba ka xishoon”.

“Anagu waxa aan nahay ciyaaryahano kuwaas oo aan cidna dilin laakiin waxa aan kala kulanaa waxyaabo aan lagu farxi karin”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here