Gonzalo Higuain Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Kooxda Chelsea

0

Xiddiga bartilmaameedka dheer u ah kooxda chelsea ee Gonzalo Higuain ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu ku biiro kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge sida laga soo xigtay wararka ka imanaya Spain.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in heshiiska la dhamaystiri doono saacadaha soo sacda iyada oo uu xiddiga 31 jirka ah noqond oono saxiixa 2-aad ee kooxda chelsea kadib Christain Pulisic.

Imaatinka Higuain ayaa albaabka u furi doona Bixitaanka Alvaro Morata kaas oo ay doonayso kooxda reer Spain ee Sevilla.

Higuain ayaa amaah kula jooga kooxda Ac Milan isaga oo kaga maqan kooxda Juventus waxana ay juventus diyaar u tahay in ay miiska saarto lacag dhan 40 milyan oo lagu iibsanayo iyo 8 milyan ee mushaharka ah.

Muarizio Sarri ayaa doonaya in uu la midoobo xiddiga reer Argentine kadib markii ay wakhti fiican ku wada qaateen markii ay Napolo wada Joogeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here