Gonzalo Higuain Oo Ka Jawaabay Wararka La Xiriirinaya Chelsea Kadib Markii Uu Xiddigu Soo Gaadhay Madaarka

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Ac Milan ee Gonzalo Higuain Ayaa Afka furtay kana hadlay wararka la xiririnaya kooxda chelsea xilli ay Blues ku dhawadahay in ay heshiis amaah ah ku hesho.

Blues ayaa kooxda Juventus kala heshiisay in uu Higuain Premier league yimaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan haatan lagu jiro.

Higuain ayaa Milan amaah ku joogay qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan laakiin Maurizio Sarri ayaa si aad ah u doonaya in uu Kula Midoobo Stamford Bridge si uu ugu xaliyo dhibaatada weerarka.

Xiddiga reer Argentine ayaa ka qayb qaatay kulankii ay Ac Milan guuldarada kala kulantay Juventus kulan Supercoppa ahaa.

Indhaha saxaafada oo dhan ayaa hayay Higuain markii uu xiddigaha Ac Milan kula laabtay Milan saacadihii ugu horeeyay ee saaka.

Xiddiga ayaa laabta galinayay xiddigaha Ac Milan ka hor inta uuna gurigiisa u dhaqaaqin lana hadlin saxaafada.

Xiddiga reer Argentine ayaa wax laga waydiiyay mustaqbalkiisa waxana uu yidhi” Miyaad Dhamaantiin I Sugayseen”.

“Hadii aad doonaysaan in aad warar ka abuurtaan wararka Chelsea, anigu ma ihi qofka ku fiican arintaas”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here