Gonzalo Higuain Oo Haatanba Meel Saaray Mustaqbalkiisa, Miyuu Joogto Ugu Biirayaa Chelsea?

0

Weeraryahanka Amaahda ugu jooga kooxda Chelsea ee Gonzalo Higuain ayaa haatanba go,aamiyay mustaqbalkiisa maalmo kadib markii uu qaabka Amaahda ah ugu soo biiray Chelsea.

Gonzalo Higuain ayaa xaqiijiyay in uu Tababare Maurizio Sarri ka soo saari karo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican isaga oo sidoo kale sheegay in uu soo dhamaaday wakhtigiisii horyaalka Serie A-da oo uuna mar dambe ku laaban doonin.

31 Jirkan reer Argentine ayaa kooxda Chelsea ugu soo biiray heshiis amaah ah oo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ah xiil ay Blues dookh u haysato in ay si toos ah ula wareegto dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Gonzalo Higuain oo la hadlaya Sky Sport ayaa yidhi”Sarri waa tababarihii ku guulaystay in uu iga dhigo xiddig fiican si fiican ayuu ii garanayaa, aniguna si fiican ayaan u garanaa”.

“Waxa aan rajaynayaa in aan soo bandhigo qaab ciyaareedkii fiicnaa ee soo bandhigay waana waxa uu Sarri haatan iga caawinayo, waxa uu garanayaa qaab ciyaareedkayga iyo qaabka uu iiga soo saaro qaab ciyaareedkayga ugu fiican’.

“Waxa aan haatan aad ugu faraxsanahay chelsea, waa koox cajiib ah oo leh garoon cajiib ah run ahaantii waa tijaabo fiican waxana aan rajaynayaa in aan koobab kula guulaysto mustaqbalka”.

Isaga oo ka hadlaya mustaqbalkiisa ayuu yidhi”Waxan u malaynayaa in wakhtigaygii Serie A-du soo dhamaaday, kadib 2 sano oo aan halkaas ugu soo ciyaaray kooxaaha Napoli, Milan iyo Juventus waxa aan u malaynayaa in uu soo dhamaaday mustaqbalkayga horyaalka Serie A-da”.

Hadalka Higuain ayaa la macno ah in uu xiddigan si joogto ah ugu biiri doono kooxda chelsea ama uu ku biiri doono horyaal kale dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here