Gonzalo Higuain La Arkay Isaga Oo Diyaarad Ka Soo Raacay Milan Xilli Uu Ku Dhawaanayo In Uu Ku Biiro Chelsea

Kooxda Chelsea ayaa ugu dambayn ku dhaw in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga Gonzalo Higuain kadib markii la arkay xiddiga reer Argentine oo saaka Milan diyaarad uga soo raacay London.

Muarizio Sarri ayaa si aad ah u doonaya in uu keeno weeraryahan cusub xilli la filayo in uu Alvaro Morata ku biiro kooxda Atletico Madrid.

Higuain ayaa xilli ciyaareed fiican la qaatay Sarri markii ay wada joogeen Napoli waxana uu si aad ah u doonayaa in uu la midoobo waxana uu saaka 8 subaxnimo diyaarad khaas ah ka soo raacay Milan.

Chelsea ayaa haatan wakhtiga tartan ula gali doonta in ay Higuian diwaan galiso si uu uga hor tago kooxda Tottenham kulanka lugta 2-aad ee Semi-finalka Carabao cup -ka.

Waxa haatanba la diyaariyay tijaabada caafimaadka Higauin ka hor inta uuna qalinka ku dugin heshiiska uu ugu soo biirayo Blues.

Xiddiga ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda tijaabada caafimaadka u maro kooxda Chelsea ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiskiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here