GOLDEN SHOE: Lionel Messi Sii Dheeraystay Hogaaminta Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Yurub Halkay Marayaan Kylian Mbappe, Cristaino Ronaldo Iyo Xidigaha Kale Ee Tartamayaa?

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dariiqa u saaran in uu difaacdo kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub kadib markii uu ka sii hor dhaqaaqay xidigaha kabtan kula tartamaya ee Kylian Mbappe iyo Cristiano Ronaldo.

Lionel Messi ayaa hal gool ka dhaliyay kulankii ay xalay kooxdiisa Barcelona guusha ka gaadhay Rayo Vallecano wuxuuna hadda u muuqdaa mid xili ciyaareedkii saddexaad oo xidhiidh ah ku guulaysan kara kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub.

Lionel Messi ayaa xalay dhaliyay goolkiisii 26 aad ee horyaalka La Liga kadib markii la ciyaaray kulankii 27 aad ee horyaalka La Liga wuxuuna laba gool ka sare maray Kylian Mbappe oo 24 gool haysta isla markaana ah xidiga ugu soo dhaw ee Messi sida tooska ah ugula tartamaya kabta dahabka ah ee Yurub.

Cristiano Ronaldo iyo Fabio Quagliarella oo min 19 gool ka dhaliyay horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga ayaa ku soo xiga Mbappe halka Sergio Aguero iyo Krzysztof Piatek ay min 18 gool ilaa hadda soo dhaliyeen.

Marka la eego heerka gool dhalinta ay ku socdaan dhamaan ciyaartoyda safka hore kaga jira tartanka kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub, waxaa muuqata in Messi uu wali yahay kan fursada ugu wayn haysta waxaana ku soo xiga Mabappe oo laba gool ka hooseeya Messi.

Halkan kaga bogo Xidigaha Ilaa Hadda Goolasha ugu Badan Ka Soo Dhaliyay Tartamada Yurub ee loolanka kabta dahabka ah ee Golden Shoe:

1- Lionel Messi- Barcelona= 26 gool iyo 52 dhibcood

2- Kylian Mbappe-PSG = 24 gool iyo 48 dhibcood

3-Fabio Quagliarella-Sampdoria= 19 Gool iyo 38 dhibcood

4-Cristiano Ronaldo- Juventus= 19 gool  iyo 38 dhibcood

5- Krzysztof Piatek-Genoa/AC Milan =18 gool iyo 36 dhibcood

6- Sergio Aguero- Manchester City= 18 Gool iyo 36 dhibcood

Mohamed Salah oo isna haysta 17 gool ayaa maanta haysta fursada uu kaga bixi karo abaartii gool la’aanta ahayd ee soo haysatay wuxuuna heli karaa fursad uu Sergio Aguero ugu soo qaban karo gool dhalinta iyo tartanka Premeir League isla markaana uu sare ugu soo qaadi karo hamigiisa gool dhalinta Yurub.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here