GOLDEN BOOT: Kadib Kulamadii 29-Aad Ee Horyaalka Premier league Halkee Lakal Marayaa Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta PL

Kooxaha Premier league ayaa sii wada dagaalka culus ee loogu jiro koobka iyo waliba kaalmaha sare ee Champions league loogu soo baxayo waxaana guulo muhiim ah gaadhay Manchester United, Manchester City iyo Chelsea halka kooxaha Liverpool, Arsenal iyo Tottenham ay barbaro galeen.

Laakiin marka laga yimaado tartanka koobka iyo kaalmaha sare ee Premier league, waxaa sii xoogaysanaya tartanka iyo loolanka adag ee loogu jiro kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier league iyada oo 9 kulan oo kaliyi ay hadda ka hadhsan yihiin xili ciyaareedkan.

Sergio Aguero ayaa hogaaminaya tartanka kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier league isaga oo haysta 18 gool wuxuuna hal gool ka sareeyaa Mohamed Salah oo kulamadii ugu danbeeyay abaar gool dhalineed galay isla markaana fursado fiican lumiyay.

Mohamed Salah ayaa soo dhaliyay 17 gool laakiin kulamadii ugu danbeeyay waxa uu iska lumiyay fursada uu Aguero ku soo gaadhi karayay gaar ahaan kulamadii Watford iyo Everton.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa isna hal gool ka sii hooseeya Mohamed Salah halka uu laba gool sare u eegayo Aguero laakiin waxay muujinaysaa in tartanka kabta dahabka ahi uu aad u furan yahay.

Harry Kane ayaa 16 gool soo dhaliyay halka Sadio Mane uu sare u soo qaaday gool dhalintiisa isla markaana uu afar gool oo kaliya ka hooseeyo hogaanka uu Aguero hayo wuxuuna Mane haystaa 14 gool.

Halkan kaga bogo xidiga ilaa hadda goolasha ugu badan ka soo dhaliyay Premier league

1-Sergio Agüero-Man City =18 Gool

2-Mohamed Salah- Liverpool =17 Gool

3-Pierre-Emerick Aubameyang-Arsenal=16 Gool

4-Harry Kane- Tottenham =16 Gool

5-Sadio Mané- Liverpool =14 Gool

6-Eden Hazard-Chelsea =12 Gool

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here