Go,aano Khaladanaa Oo Liverpool Ka Khasaariyay 5 Dhibcood Man City-na Siiyay Hal Dhibic

Tartanka Loogu jiro horyaalka premier League ayaa sii xoogaysanaya xilli ay Liverpool hal dhibic ka dambayso kooxda Man City iyada oo la galayo todobaadyadii ugu dambeeyay horyaalka premier League.

Xilli ay 8 kulan oo kaliya ka hadheen horyaalka dhamaadkiisa waxa la filayaa in tartanka lagu kala guulaysto maalinta ugu dambaysa.

Labada Kooxood ayaa todobaadkan ciyaaray kulamo ay hadheeyeen go,aano ay sameeyeen garsoorayaashii hogaaminayay oo uu muran badan ka yimid.

City ayaa 3/1 uga badisay Watford kulan ka dhacay Etihad halka Liverpool guul soo laabasho leh oo 4/2 ah ka gaadhay Burnley.

Xiddiga Raheem Sterling ayaa dhaliyay gool muran badan dhaliyay oo Offside ahaa ka hor inta uuna dhamaystirin saddexleyda.

Dhanka kale Burnley ayaa gool kaga hor martay Liverpool kadib markii uu daafaca Burnley ee James Tarkowski khalad ku galay Goolhaye Alisson.

Inkasta oo ayna labadaas goolba wax saamayn ah ku yeelan natiijadii ka soo baxday kulanka hadana waxa jiray go,aano badan oo kale oo lagu galay labada kooxood.

Man City ayaa go,aan khalad lagu galay kadib markii uu Daafaca Wolves gool gacan ah ka dhaliyay City bilowgii xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Willy Boly ayaa dhaliyay gool gacan ah xilli ay Man City lahayd rikoodhe kadib markii uu Ruben Neves khalad ku galay Silva.

Taas ayaa sabab u noqotay in ay Man City khasaariso dhibo dhawr ah laakiin Kooxda Pep Guardiola ayaa ka nasiib badan Liverpool marka loo eego in daafaca Vincent Kompany khalad ku galay Mohamed salah taas oo ahayd in kaadhka cas loogu taago.

City ayaa badisay kulankaas laakiin shaki la,aan Kompany ayay ahayd in loo taago kaadhka cas qaybtii hore.

Hadii aynu u qiimaynayo in uu go,aankaas Liverpool ka khasaariyay 3 dhibcood hadana Reds ayaa go,aan kale oo khaladan lagu galay kulankii Leicester City bishii January.

Sadio Mane ayaa goolka furitaanka u dhaliyay xilli ay Reds u muuqatay qaar 7 dhibcood ku qabanaya hogaanka horyaalka premier League.

Laakiin Harry Maguire ayaa goolka bar-baraha u dhaliyay Liecester City laakiin Harry Maguire ayaa ahyd in loo taago kaadhka cas ka hor dhamaadkii qaybtii hore.

Liverpool ayaa sidoo kale u muuqatay in laga diiday Rikoodhe cadaan ah kadib markii uu Ricardo Pereira khalad ku galay Naby Keita qaybtii dambe.

Hadii ay Reds Guul ka gaadhi lahayd Kulankaas waxa ay la ciyaari lahayd 10 xiddig laakiin labadaas go,aan ayaa Sabab u noqday in ay Reds lumiso 2 dhibcood.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here