Girona Oo Barcelona Ku Garaacday koobka Supercopa de Catalunya

Kooxda Girona Ayaa Barcelona ku garaacday koobka Supercopa de Catalunya Kulan ka dhacay garoonka Estadi de la Nova Creu Alta.

Labada kooxood ayaa ku soo galay shax aad uga duwan shaxdooda caadiga ah iyaga oo kulanka u soo xushay xiddigo da,yar ah iyo xiddigaha aan joogtada u ciyaarin.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro goolal ah iyada oo ayna labada kooxoodba wax goolal ah kala dhalin.

Waxa ay qaybtii dambe ee ciyaartu wax weyn iska badaleen iyada oo labada kooxoodba qaadayeen weeraro ay goolal ku doonayeen.

Daqiiqadii 70-aad ayay kooxda Girona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Cristhian Stuani kaas oo ciyaarta ka dhigay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Girona ka qaaday Barcelona koobka Supercopa de Catalunya oo ay sanadkii hore ku guulaystay

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here