Giorgio Chiellini: Cristiano Ronaldo Waxa Uu Dhaw Jeer Bur-Buriyay Riyada Juventus Ee Ku Guulaysiga Champions League, Haatan Hal Arin Ayuu Ugu Badali karaa

0

Daafaca Kooxda Juventus ee Giorgio Chiellini ayaa sheegay in uu Cristiano Ronaldo si joogto ah u bur-buriyay rajada Juventus ee Ku Guulaysiga Champions League markii uu joogay Real Madrid.

Si kasta ha ahaatee daafaca reer Italy ayaa sheegay in uu kabtanka reer Portugal haatan ka caawin karo in ay ku guulaystaan champions League.

“Cristiano Ronaldo waxa uu naga dhaliyay goolal badan waxana uu marar badan bur-buriyay riyadeena ku guulaysiga champions League”ayuu u sheegay BBC-da.

“Markii hore champions League waxa uu ahaa riyo laakiin haatan waa bartilmaameed sababta oo Cristiano Ronaldo waa xiddiga ugu fiican adduunka waxana aan u baahanahay caawintiisa si aan ugu guulaysano”.

“Waa Shaqsiyadiisa”.

“Waxa uu garoonka ku soo bandhigaa xirfad cajiib ah laakiin garoonka dibadiisa waxa uu leeyahay dhaqan fiican, sida uu u shaqeeyo, sida uu isugu diyaariyo kulamada, sida uu u nool yahay maalin walba oo noloshiisa ah way na caawin kartaa”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here