Gianluigi Buffon Oo Kashifay In Uu Dalabyo Ka Helay Man United & Man City & Sababtii Uu Isaga Diiday

Goolhayaha Kooxda PSG ee Gianluigi Buffon ayaa shaaca ka qaaday qaabkii ay Man United ugu diri jirtay indha-indheeyayaal iyo waliba in uu iska diiday dalab weyn oo Man City ah.

Goolhayaha Paris Saint-Germain ayaa ka hor tagi doona Man United lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League xilli ay Kooxda Buffon 2/0 uga soo badisay United lugtii hore ee ka dhacday Old Trafford.

“Markii aan ahaa wiil yar oo u ciyaara kooxda Parma, Sir Alex Ferguson ayaa si dhaw iila socday muddo 2 ilaa 3 sano ah waxana uu mar walba ii soo diri jiray indha-indheeyayaal”ayuu Buffon u sheegay BT Sport.

“Wakhtigaas, Parma ayaa ahayd adduunkayga oo dhan mana doonayn in aan ka tago kadib waxa aan dalab weyn ka helay Man City markii ay bilaabeen in ay dhisaan kooxda si ay uga mid noqdaan kooxaha ugu fiican yurub”.

“Waxa ay doonayeen in aan noqdo saxiixooda ugu horeeya laakiin waan iska diiday si aan u sii joogo Juventus”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here