Gerard Pique & Xavi Oo Kulanka Ugu Muhiimsan 10-kii Sano Ee La Soo Dhaafay Uga Laabtay Ka Fadhiisigii Ciyaaraha Caalamiga Ah

Xiddigaha Pique & Xavi ayaa ka soo laabtay ka fadhiisiga ciyaaraha caalamiga ah iyaga oo ciyaari doona kulanka uu xulka qaranka Catalonia la ciyaari doono xulka Venezuela.

Kulankaas ayaa lagu magacaabay midka ugu muhiimsan 10-kii sano ee ugu dambeeyay ee xulka Catalonia Halyeeyada Barcelona ayaana ogolaaday in ay u ciyaaraan xulkooda.

Labada xiddig ayaa xulka Spian u ciyaaray in ka badan 200 oo kulan marka la isku daro waxana ay garoonka Girona Isniinta ku ciyaari doonaan kulanka xulka qaranka Catalonia.

Catalonia ayaa magacawday koox awoood badan oo ay ku jiraan xiddigo tayo leh oo u ciyaara kooxo yurub ah.

Waxa xiddigaha Pique iyo Xavi liiska kula jira xiddiga Southampton ee Oriol Romeu, Xiddiga Stoke City ee Bojan iyo xiddiga Brighton ee  Martin Montoya.

Magacyada kale ee caanka ah ee lagu arkay Liiska ayaa kala ah xiddigaha Alexis Vidal, Marc Bartra Iyo Marc Muniesa.

Xulka Catalonia ayaa ciyaari doona kulankoodii ugu horeeyay tan ilaa December 2016 markaar oo ay bar-baro 3/3 ah la geeln xulka Tunisia.

Markii u dambaysay ee uu xulka Catalonia la ciyaaray xul Southa America ah ayaa ahayd sanadkii 2009 markii ay 4/2 uga badiyeen xulka Argentine kulan ka dhacay Camp Nou.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xulka Catalonia oo dhamaystiran:

Goolhayayaasha: Isaac Becerra (Nastic de Tarragona), Edgar Badia (Elche).

Daafaca: Martin Montoya (Brighton), Gerard Pique (Barcelona), Marc Bartra (Real Betis), Aleix Vidal (Sevilla), Didac Vila (Espanyol), Marc Cucurella (Eibar), Marc Muniesa (Girona).

Kahdka dhexe: Victor Sanchez (Espanyol), Xavi Hernandez (Al Sadd), Pere Pons (Girona), Oscar Melendo (Espanyol), Joan Jordan (Eibar), Alex Granell (Girona), Oriol Romeu (Southampton), Aleix Garcia (Girona).

Weerarka: Sergio Garcia (Espanyol), Bojan Krkic (Stoke), Marc Cardona (Eibar)

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here