Gerard Pique Oo Weerar Ku Qaaday Philippe Coutinho Intii Lagu Jiray Tababarkii Jimcihii, Sabab

0

Xiddiga Kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa ku jira wakhti adag xilli ciyaareedkan isaga oo aan xitaa diirada saarin tababarka kooxdiisa taas oo keentay in ay xiddigaha ay isku kooxda yihiin weerar ku qaadaan.

Xiddiga daafaca uga ciyaara Barcelona ee Gerard Pique ayaa la arkay isaga oo ku qaylinaya Philippe Coutinho intii lagu jira tababarkii jimcihii.

Wargayska AS Ayaa sheegaya in xiddiga Gerard Pique si weyn ugu qayliyay Philippe Coutinho intii lagu jira tababarkii jimcihii ay kooxdu isugu diyaarinaysay kulanka caawa.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Coutinho ka muuqatay niyad jab aad u weyn isaga oo aan xitaa diirada saarin qaadashada tababarka taas oo keentay in uu Pique ugu qayliyo “Philippe! Nalama Joogtid”.

Xiddiga ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Barcelona isaga oo si weyn ugu dhibaatoonaya in uu boos ka helo tan ila markii uu ku soo biiray kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here